Nov 08(Jowhar)-Dowladda Faransiiska ayaa ku baaqday in muwaadiniinteeda si degdeg ah uga baxaan dalka Mali, kadib markii ay soo ifbaxday cabsi xooggan oo laga qabo in dalkaasi ay gacanta ku dhigaan kooxo xiriir la leh Al-Qaacida.
Mali, Niger, iyo Burkina Faso — oo dhamaantood ka tirsan galbeedka Afrika — waxaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay ka dhacay afgambiyo milatari ay horseedeen saraakiil dhallinyaro ah. Tallaabooyinkaas ayaa sababay in la joojiyo joogitaankii ciidamada Faransiiska iyo reer galbeedka, kuwaas oo hore ula dagaallami jiray kooxaha xagjirka ah ee gobolka ka dagaallama.
Si kastaba ha ahaatee, bixitaanka reer galbeedku wuxuu sababay in saddexdan dal ay wajahaan weerarro sii xoogeysanaya oo ay fuliyaan kooxo hubeysan oo sheeganaya inay yihiin Islaamiyiin doonaya inay xukunka la wareegaan. Kooxahaan ayaa la sheegay inay go’doomiyeen magaalada Bamako, caasimadda Mali, iyagoo xilligaa dalbanayay lacag madax-furasho oo ay ka doonayeen Imaaraadka Carabta.
Wararka ayaa sheegaya in kooxahaasi ay gacanta ku dhigeen diblomaasiyiin iyo muwaadiniin Imaaraati ah, kuwaas oo ay siiyeen xorriyaddooda kadib markii ay heleen 50 milyan oo doolar, lacagtaas oo hadda u suurtagelisay inay sii wataan dagaalkooda isla markaana ay helaan saadka iyo hubka ay u baahan yihiin.
Tallaabada Faransiisku qaaday ayaa imaneysa iyadoo xaaladda amni ee Mali ay si weyn u sii xumaanayso, isla markaana khatar weyn ay ku wajahayaan dadka ajaanibta ah ee halkaas ku sugan.










