Sunday, August 23, 2026
Home NEWS Farmaajo;”Dhul boobka xargaha goostay Iyo barakicinta bulshada waa masiibo halis ah”

Farmaajo;”Dhul boobka xargaha goostay Iyo barakicinta bulshada waa masiibo halis ah”

25

Aug 23 (Jowhar)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si adag uga hadlay burburin lagu hayo Shacabka Muqdisho gaar ahaan arrinta Xaafadda Tookiyo ee degmada Yaaqshiid.

Qoraal uu soo saaray Farmaajo ayaa yiri”Dhul boobka xargaha goostay iyo barakicinta joogtada ah ee lagu hayo bulshada caasimadda waa masiibo halis ah. In saq dhexe guryohooda lagu kor dumiyo muwaadiniin isugu jira carruur, haween, waayeel iyo qoysas danyar ah waa fal bahalnimo ah oo ka fog damiirka bani’aadannimo iyo dareenka Muslimnimo,”

Maxamed Cabdulahi Farmaajo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa baaq deg-deg ah u direy Madaxweyne Xasan Sheekh;
“Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday waxaan ugu baaqaynaa in uu si degdeg ah u joojiyo dhul boobka, barakicinta shacabka iyo adeegsiga sharcidarrada ah ee ciidamada iyo hay’adihii dowladda oo uu ka dhigay aalad uu ku barakiciyo, marna ku cabburiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee uu dulmiyey.

Ma jiro qiil iyo marmarsiinyo uu Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday uu u heli karo in uu muwaadiniin Soomaaliyeed habeen madow guryahooda xoog uga saaro, hantidoodana uu hortooda ku burburiyo, isaga oo ciidamadii qaranka u adeegsanaya.”

Qoraalkiisa ayuu ku soo gabagabeeyay Farmaajo inuu garab taagan yahay qoysaska guryahooda laga dumiyey, kuwa la barakiciyey iyo dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan caasimadda Muqdisho ee la dulmiyey, kuwaas oo u taagan difaaca xaqooda iyo karaamadooda.