Friday, July 17, 2026
Home WORLD NEWS Gen Jimcaale Takar oo dib ugu laabtay magaalada Garowe

Gen Jimcaale Takar oo dib ugu laabtay magaalada Garowe

1

July 17-(Jowhar)-Taliyaha ciidamada Danab Gen. Jimcaale Jaamac Takar ayaa xalay dib ugu laabtay magaalada Garoowe, kaddib markii xubno ka tirsan guddiga dhexdhexaadinayay isaga iyo dowladda Puntland ka soo kaxeeyeen magaalada Laascaanood.

Todobaadyadii la soo dhaafay waxaa Garoowe ka taagnayd xiisad la xiriirta imaanshaha Gen. Jimcaale, balse ugu dambayn xal ayaa laga gaaray arrintaas.

Wadahadal aan weli dhammaan ayaa u socda Gen. Jimcaale iyo dowladda Puntland, kaas oo ay ka garwadeen ka yihiin qaar ka mid ah waxgaradka gobolka Nugaal. Ma cadda in taliye Jimcaale uu la shaqayn doono Puntland & dowladda federaalka iyo in uu mid u go’i doono.

Gen. Jimcaale wuxuu dhawaan magaalada Muqdisho kula kulmay madaxda sare ee federaalka, waxayna Puntland aaminsan tahay in loo magacaabay taliyaha qaybta 54-aad ee ciidamada xoogga dalka.