Dec 13(Jowhar)-Kaddib in ka badan labaatan sano oo Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Ciraaq (UNAMI) uu la shaqaynayay Ciraaq, xilli ay dalkaasi soo mareen dagaallo, qalalaase siyaasadeed iyo la-dagaallanka argagixisada ISIL, hawlgalku wuxuu si rasmi ah u joogjinayaa shaqadiisa 31-ka Diseembar. Sarkaalka ugu sarreeya hawlgalkuna wuxuu sheegay in arintaan ay tahay mid sharaf leh, si nidaam ah loo soo gabagabeeyay, isla markaana natiijooyinkiisa lagu gaaray dadaal dheer.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa tagaya magaalada Baqdaad si uu ugala qayb galo shacabka Ciraaq iyo diblomaasiyiinta dalkaas u joogi jiray QM. munaasabadda lagu soo afjarayo hawlgalka. Wuxuu sheegay in munaasabaddani ay si cad u muujinayso in hawshii hawlgalku qabtay si guul leh loo dhammeystiray.
Dhawaan, hawlgalka Qaramada Midoobay kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ee UNTMIS ayaa lagu dhawaaqay in la xirayo oo shaqadiisa lasoo gabagabaynayo bisha Oktoobar ee 2026.
Xirmista xafiisyada Qaramada Midoobay ayaa dalalkii ay ka hawlgali jireen waxaa loo sababaynayaa, ka sokow xasilloonida dalalka, isbaddalka siyaasadeed ee nidaamka adduunka iyo ixtiraamkii loo hayay shaqada Qaramada Midoobay oo meesha ka baxay.










