Aug 19 (Jowhar)- Duqeymo dhinaca cirka ah ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Fiidow ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Dowlad-Goboleedka HirShabeelle iyada oo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA ay faahfaahin ka bixisay howlgalkaas.
Warsaxaafadeedka kasoo baxay Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in la beegsaday goob ay ku shirayeen xubnaha la bartilmaameedsaday ee ‘AS’ katirsan, waxaa ugu dambayn la gaarsiiyay khasaara kala duwan sida hadalka loo dhigay.
NISA ayaa intaas ku dartay in weerarkaan ay iska kaashadee saaxiibada caalamiga ah ee ka gacansiiya weerarrada cirka ah, ma sheegin tirada rasmiga ah ee ‘AS’ looga dilay weerarkaas ka dhacay Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Turkiga iyo Maraykanka ayaa Soomaaliya ka gacansiiya fulinta duqaymaha iyada oo xogta goobaha la beegsanayo ay soo gudbiyaan Ciidamada Dowladda Federaalka waxaana ugu dambayn laga soosaaraa warbixin la xiriirta khasaaraha ka dhashay weerarkaas.





