Sunday, March 1, 2026
Home NEWS HOgaamiyihii Iiran Ayatollah Khamenei oo duqeyn lagu diley

HOgaamiyihii Iiran Ayatollah Khamenei oo duqeyn lagu diley

30

March 01(Jowhar)-Hogaamiyahii ruuxiga ah ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei oo ahaa 86 sano jir, ayaa lagu dilay weerar duqeyn ah oo ay qaadeen Israel iyo Mareykanka.

Warbaahinta dowladda Iran ayaa xaqiijisay geerida saacadihii hore ee Axadda kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in Khamenei lagu dilay weerar cirka ah oo ay si wadajir ah u fuliyeenMareykanka iyo Israa’iil oo Sabtidii lagu qaaday xaruntiisa.

“Waxaa dadka reer Iran loogu bishaareynayaa in Amiir Ayatollah Imam Sayyid Ali Khamenei, Hoggaamiyaha Kacaanka Islaamiga ah, uu ku shahiiday weerarka wadajirka ah ee ay qaadeen Mareykanka iyo taliska Sahyuuniyadda Subaxnimadii Sabtida, Febraayo 28,” ayaa lagu sheegay war ay baahisay wakaaladda wararka Iran ee Tasnim.

Warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in sidoo kale la dilay gabar uu dhalay Khamenei, wiilka uu soddogga u yahay, iyo wiil uu awoowe u yahay.

Khamenei ayaa hogaanka u qabtay dalka Iran sanadkii 1989-kii, kadib geeridii Ayatollah Ruhollah Khomeini, hogaamiyihii hor kaayay kacdoonka Islaamiga ah toban sano ka hor.

Kahor inta uusan noqon hogaamiyaha ugu sareeya, wuxuu ku hogaamiyay Iran isagoo madaxweyne ah dagaal dhiig badan ku daatay oo Ciraaq lala galay 1980-meeyadii.