Monday, February 23, 2026
Home NEWS Hogaamiyihii kooxaha Daroogada Mexico El Mancho oo la dilay

Hogaamiyihii kooxaha Daroogada Mexico El Mancho oo la dilay

0

Feb 23(Jowhar)-Hogaamiyihii kooxda laga cabsado ee Jalisco New Generation (CJNG) ee ka ganacsata daroogada Nemesio Oseguera Cervantes ee dalka Mexico ayaa la dilay intii uu socday howlgal ay ciidamada amaanka ku doonayeen in lagu soo qabto.

Wasaarada gaashaandhiga Mexico ayaa xaqiijisay in Nemesio Oseguera Cervantes, oo loo yaqaanay “El Mencho”, uu dhintay isagoo loo sii waday caasimadda Mexico City, ka dib markii uu si xun ugu dhaawacmay dagaal dhexmaray taageerayaashiisa iyo ciidamada.

Afar xubnood oo ka tirsan kooxda CJNG ayaa sidoo kale ku dhintey iska horimaadka ku dhex maray ciidamada iyo kooxda magaalada Tapalpa, oo ah gobolka bartamaha-galbeed ee Jalisco.

Saddex askari oo ka tirsan ciidanka ayaa ku dhaawacmay, waxaana howlgalkan ka caawiyay ciidamada Mexico dowlada Maraykanku oo bixisay xogta halka uu ku sugnaa “El Mencho”.

Kooxda CJNG ayaa dilka hogaamiyahooda kadib waxa ay gubeen baabuur faro badan iyagoo, jidgooyooyin sameeyay waxana ay weeraro ka geysteen illaa siddeed gobol oo ka mid ah dalka Mexico.

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa soo saartay digniin ku wajahan muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan gobollada Jalisco, Tamaulipas, iyo sidoo kale meelaha qaar ee Michoacan, Guerrero iyo Nuevo Leon.

El Mencho, oo 59 jir ah oo hore uga tirsanaan jiray booliiska, waxa uu maamuli jiray urur dambiilayaal ah oo mas’uul ka ah ka ganacsiga xaddi badan oo kookayn ah, methamphetamine iyo fentanylka oo la geeyo gudaha Maraykanka.

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa abaal-marin lacageed oo dhan $15m (£11.1m) ugu yaboohday ciddii keenta xog horseeda soo qabashada El Mencho.
Bayaan ay soo saartay wasaaradda gaashaandhigga Mexico ayay ku sheegtay in howlgalka uu ahaa mid qorsheysan oo ay fuliyeen ciidamada gaarka ah ee dalkaasi.

Diyaarado ka tirsan Ciidanka Cirka ee Mexico iyo Ilaalada Qaranka ayaa sidoo kale la geeyay qeybo kamid ah dalkaas.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in howlgalkaasi lagu soo qabtay dhowr gaari oo nuuca gaashaaman ah iyo hub – oo ay ku jiraan gantaalo.

Guddoomiyaha Jalisco, Pablo Lemus Navarro, ayaa baraha bulshada kula taliyay dadka gobolka inay u hoggaansamaan digniinta cas oo ay ku ekaadaan guryahooda. Sidoo kale waxa uu sheegay in ay hakad ku jiraan isu socodka gaadiidka dadweynaha ee gobolkaasi.

Shirkadaha diyaaradaha ee Mareykanka ee United Airlines,American Airlines, iyo sidoo kale Air Canada, ayaa joojiyay duulimaadyadii ay ku tagi jireen Puerto Vallarta iyo Guadalajara.
Safiirkii hore ee Maraykanka u fadhiyay Mexico ahna ku xigeenka xoghayaha arrimaha dibadda Christopher Landau ayaa baraha bulshada ku tilmaamay El Mencho mid ka mid ah kuwa ugu xumaa uguna naxariista daran dadka ka ganacsada maandooriyaha.

Wuxuu intaas ku daray in dhimashada El Mencho ay horumar weyn u tahay Mexico, US, Latin America, iyo adduunka.

Dilka El Mencho ayaa ka dhigan guul ay ka gaartay madaxweynaha Mexico dagaalka ay kula jirto kooxaha daroogada ka ganacsada.

Waxa ay sidoo kale xoojin kartaa xiriirka ay la leedahay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo ku hanjabay in uu beegsan doono cartel-yada dhulka Mexico.