Thursday, July 16, 2026
Home NEWS Iiraan oo sheegtay inay soo ridey diyaarad Maraykanku leeyahay

Iiraan oo sheegtay inay soo ridey diyaarad Maraykanku leeyahay

63

July 16-(Jowhar)-Iiraan ayaa sheegtay inay soo ridday oo burburisay diyaarad nooca MQ-9 ah oo Mareykanku leeyahay, taas oo ay ku andacoonayso inay ku duuleysay hawada magaalada Andimeshk.
Sida ay sheegeen Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan, diyaaradda waxaa lagu soo riday nidaam casri ah oo difaaca cirka ah.

Wakaaladda wararka ee Tasnim, oo xiriir la leh IRGC, ayaa sheegtay in howlgalkaasi uu guuleystay, hase yeeshee ma aysan soo bandhigin wax caddeyn ah oo xaqiijinaya sheegashadaas.

Ilaa iyo hadda, Mareykanka iyo Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka CENTCOM, midkoodna si rasmi ah uma xaqiijin sheegashada Iiraan ee ah in diyaaradda MQ-9 la soo riday.

Dhinaca kale,Milatariga Mareykanka ayaa sheegay inay weerarro kale ku qaadeen Iiraan, iyadoo warbaahinta Iiraan ay soo tabisay qaraxyo ka dhacay Jasiiradda Qeshm, Bandar Abbas iyo Chabahar.

 

Iiraan waxay sheegtay inay fulisay weerarro aargoosi ah oo lagu bartilmaameedsaday hantida Mareykanka ee Kuwait, Bahrain iyo Urdun.

Milatariga Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inay curyaamiyeen markab shidaal qaada oo isku dayayay inuu u safro dekedda Iiraan ee ku taal Gacanka Hormuz iyagoo ku riday gantaallo Hellfire ah.