Jan 26(Jowhar)-Imaaraadka Carabta ayaa shaacisay ineysan ogolaan doonin in hawadiisa, dhulkiisa ama biyihiisa loo adeegsado wax tallaabo ciidan ah oo lagu beegsanayo dalka Iiraan.
Bayaan rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in Imaaraadku sidoo kale uusan bixin doonin wax taageero saadka (logistical support) ah oo la xiriirta howlgallo ciidan oo ka dhan ah Iiraan.
Wasaaraddu waxay hoosta ka xarriiqday in Imaaraadka Carabta uu aaminsan yahay in wada-hadal, dejinta xiisadaha, u hoggaansanaanta sharciga caalamiga ah iyo ixtiraamka madaxbannaanida dowladaha ay yihiin hababka ugu wax-ku-oolsan ee lagu wajahayo dhibaatooyinka taagan.
Sidoo kale, Imaaraadku wuxuu caddeeyay in siyaasaddiisu ku dhisan tahay xalinta khilaafaadka iyadoo loo marayo waddooyin diblomaasiyadeed, halkii laga adeegsan lahaa awood ciidan.










