Thursday, July 16, 2026
Home NEWS Iran oo ku hanjabtay inay xireyso Marinka Bab el-Mandeb

Iran oo ku hanjabtay inay xireyso Marinka Bab el-Mandeb

98

July 16-(Jowhar)-Iran ayaa ka codsatay dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta Yemen inay u diyaar garoobaan xiridda marinka Badda Cas haddii Mareykanku uu weeraro kaabayaasha tamarta ee Iran.
Qorshahan ayaa waxaa ka wada hadlay hoggaanka Jamhuuriyadda Islaamiga ah, fariintana waxaa la gaarsiiyay xulafada Iran ee Xuutiyiinta, sida ay sheegeen laba sarkaal oo sare oo reer Iran ah.

Ilo ku dhow Xuuthiyiinta ayaa sheegay in kooxdu ay dhameystirtay diyaarinta weerarrada maraakiibta iyadoo la dhigay gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn meel u dhow marin biyoodka Bab el-Mandeb, oo ah marinka laga galo Badda Cas, ee buuraleyda Yemen ee ku wajahan Xudeyda iyo Gacanka Cadmeed, waxaana la sugayaa amarka lagu bilaabayo xiritaanka Marinkan.

Khatar kasta oo ku timaada Badda Cas iyo marinkeeda Bab el-Mandeb waxay si weyn uga sii dari kartaa xiisadda tamarta adduunka ee ka dhalatay xiritaanka Iran ee marin biyoodka Hormuz.

Ilaha ku dhow Xuutiyiinta ayaa sheegay in wakiilo ka socda ilaalada kacaanka Islaamiga ah ee Iran oo horey u joogay Yemen ay gaari doonaan go’aanka ku saabsan xilliga la xirayo marin biyoodka Bab el-Mandeb.