Wednesday, March 18, 2026
Home NEWS Iran oo xaqiijisay geerida Cali Larajani

Iran oo xaqiijisay geerida Cali Larajani

70

Mar 17(Jowhar)-Iran ayaa xaqiijisay Geerida madaxii amniga qaranka Iiraan Cali Larijani, qoraal kasoo baxay taliska ciidamada ilaalada Kacaanta ee dowladda IRAN ayaa lagu cadeeyay geerida Cali Larajani.

Waxa uu Larijani ahaa dhexdhexaadiyihii barnaamijka nukliyeerka Iran, saaxiib dhowna la ahaa Hoggaamiyihii Sare ee geeriyooday Aayatullaahi Cali Khamenei, kaas oo la dilay maalintii koowaad ee dagaalka.

Cali Larijaani sawirkii ugu dambeeyay ee fagaare lagu arko waxa uu ahaa socodkii Maalinta Quds ee Teheran 13-kii Maarso, sida lagu sheegay bartiisa X oo lagu soo bandhigay isagoo dhex taagan waddada oo u ruxaya gacanta, lana hadlayay taageerayaashiisa.