Friday, June 19, 2026
Home NEWS Israa’il iyo Xisbullah oo ku heshiiyay xabad joojin

Israa’il iyo Xisbullah oo ku heshiiyay xabad joojin

33

Jun 19 (Jowhar)-Sarkaal Maraykan ah ayaa sheegay in Israa’iil iyo Xisbullah ay ku heshiiyeen xabbad joojin, kadib duqeymo xooggan oo cirka ah oo Israa’iil ay ka geysatay koonfurta Lubnaan taasoo ay dowladdu sheegtay inay ku dhinteen 47 ruux.

Heshiiska ayaa yimid kadib walaac ka dhashay in heshiiskii ay Maraykanka iyo Iiraan gaareen uu burburo, waxayn ururka xisbulah ay dileen ilaa afar askari oo ka mid ah ciidamada Israel.

Iska horimaadka ayaa qarxay markii Xisbullah ay sheegtay inay weerar gaadmo ah ku qaadday koox Israa’iili ah oo ku sugan Koonfurta Lubnaan, iyadoo lagu burburiyay saddex taangi oo ay wateen gantaallo la hagayay, Afarta askari ee la dilay ayaa waxaa ka mid ahaa taliye guuto.

Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in duqaymaha cirka ee Israa’iil ay ku dhinteen 47 qof oo ay ku jiraan haween iyo carruur, ayna ku dhaawacmeen 97 qof.

Afhayeen u hadlay milatariga Israa’iil ayaa sheegay in milatarigu “ay sii wadi doonaan in ay meesha ka saaraan khataraha degdega ah” halka xoghayaha guud ee Xisbullah, Sheekh Naciim Qaasim uu yiri: “Mashruucii lagu ciribtirayay Xisbullah waa uu fashilmay.”

Degmada Nabatieh, sagaal qof ayaa lagu dilay Harouf, 7 qof ayaa lagu dilay Haboush, lixna al-Duweir, oo uu ku jiro ilmo, ayay tiri wasaaradda caafimaadka.

Wararka ku saabsan xabbad-joojinta ayaa waxaa shaki weyn ka muujiyay dadka barakacayaasha ah ee Lubnaan, kuwaasoo shaki ka qaba in Israa’iil ay u hoggaansami doonto heshiis nabadeed.

Dalka Lubnaan waxa uu galay dagaalka u dhexeeya Israa’iil, Maraykanka iyo Iran wax yar uun ka dib markii uu bilaabmay, iyada oo Xisbullah ay gantaalo ku garaacday Israa’iil si ay uga aargoosato weerar lagu dilay hoggaamiyihii ugu sarreeyay Iran.

Israa’iil ayaa ka jawaabtay in ay olole duqeymo ah ka fulisay guud ahaan dalka Lubnaan, waxaana ay qabsatay ku dhawaad 5% dhulka dalkaasi ee koonfurta, iyada oo ujeedadu ahayd in dagaalyahanada Xisbullah ay dib uga soo celiso xuduudeeda waqooyi.

In ka badan 3,900 oo qof ayaa la dilay, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, in ka badan 11,600 oo kalena waa lagu dhaawacay tan iyo markii uu bilowday iskahorimaadka ugu dambeeyay, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan.