Dec 26(Jowhar)-Israel ayaa si rasmi ah u aqoonsatay madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, sida lagu sheegay warsaxaafadeed maanta oo ay taariikhdu tahay 26.12.2025.
Aqoonsigan ayaa yimid kaddib kulan khadka fogaan-aragga ah (video conference) oo dhex maray Madaxweynaha Somaliland Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, kaas oo Ra’iisul Wasaaruhu si rasmi ah ugu dhawaaqay aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland.
Kulanka ayaa lagu muujiyey is-afgarad siyaasadeed, diblomaasiyadeed iyo istiraatiiji, iyadoo labada dhinac ay isla qireen xaqa Somaliland u leedahay aqoonsi buuxa iyo qaranimadeeda, isla markaana lagu heshiiyey in la bilaabo weji cusub oo xiriir adag oo dhexmara labada dal.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u fidiyey martiqaad booqasho rasmi ah oo uu ku tegi doono Israel, si looga wada hadlo danaha iyo arrimaha mudnaanta u leh labada dhinac.
Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin arrintan.
Warkan ayaa ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland.










