Itoobiya oo ka hadashay saameynta ciidamada Masar ee Soomaaliya

0
165

Aug 27 (Jowhar)Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya, Suleiman Dedefo Woshe, ayaa wareysi uu siiyay TV-ga Iniversal ku sheegay in Itoobiya aysan ka baqaynin caqabadaha amniga ee ka jira gobolka isla markaana ay awooddo inay isdifaacdo.

Safiirka ayaa sidoo kale ku tilmaamay in Masar aysan wax taageero ah ka geysan doonin xasilinta amniga Soomaaliya, isagoo tusaale u soo qaatay dalalka dariska ah ee Falastiin, Suudaan iyo Liibiya oo aanu helin caawimo muuqata.

“Annagu ma nihin kuwa cabsi qaba ama dareemaya khatar, waana awoodnaa inaan is difaacno,” ayuu yiri Safiirka.

“Waxaan ognahay in Masar aysan wax taageero ah ka geysan doonin xasilinta caqabadaha amni ee Soomaaliya. Falastiin iyo Suudaan waa dalal daris la ah Masar, haddana kama aysan helin wax kaalmo ah. Libya sidoo kale waa daris, iyaduna kama aysan helin caawimaad. Ciidanka Masar ma laha taariikh muuqata oo nabad-ilaalin caalami ah.”

Suleiman Dedefo ayaa hadalkiisa ku daray in xaaladaha amni ee gobolka ay u baahan yihiin iskaashi iyo garab istaag ka imanaya deriska iyo beesha caalamka, balse uu ku adkeystay in Itoobiya iyo Soomaaliya labaduba ay leeyihiin karti iyo rabitaan ay ku xoojinayaan nabadda gudaha iyo midda gobolka.

Hadalka Safiirka ayaa kusoo aaday xilli doodaha siyaasadeed ee gobolka, gaar ahaan kuwa la xiriira saameynta biyo-xireennada iyo isu-dheellitirka awoodaha gobolka, ay kor u kacayaan. Safiirka ayaa ugu baaqay dhinacyada ay khusayso in ay iska kaashadaan sidii loo heli lahaa xal waara oo nabad iyo horumar keenaya.