Aug 08 (Jowhar) Jarmalka ma oggolaan doono inuu hub ka iibiyo Israel kaas oo laga yaabo in lagu xasuuqo reer Qaza “illaa amar dambe,” sidaas waxaa manata shaaciyay Ra’iisul Wasaare Friedrich Merz. Tani waxay ahayd jawaab degdeg ah oo ka timid mid ka mid ah saaxiibada ugu waaweyn ee caalamiga ah ee Israa’iil, kadib markii golaha wasiirrada Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ay go’aansadeen inay la wareegaan magaalada Gaza.
Go’aanka Jarmalka, oo hore uga baaqday inuu qaado tallaabooyin adag sida ay qaadeen qaar ka mid ah dalalka Midowga Yurub, ayaa u muuqda mid sii go’doominaya Israa’iil kadib qorshaha militari ee ay cambaareeyeen Qaramada Midoobay, hay’adaha gargaarka iyo kuwa xuquuqda aadanaha, iyo taageerayaasha maxaabiista Israa’iil ee weli lagu hayo Qaza.
Jarmalka, Mareykanka iyo Talyaaniga ayaa ka mid ah dalalka ugu sarreeya ee bixiya qalabka militari ee Israa’iil isticmaasho. Joojinta Jarmalka ee sahayda militari waxay sii kordhineysaa tallaabooyinka qaar ka mid ah dalalka Yurub oo isugu jira kuwa dhaqaale, ciidan iyo diblomaasiyadeed ee ka dhanka ah Israa’iil, iyadoo laga walaacsan yahay hab-dhaqanka dowladdeeda intii uu socday ku dhawaad laba sano dagaalka Qaza.
Lama shaacin qalabka ciidan ee Jarmalka uu go’aankani saamayn doono. Markii ay Wakaalada Wararka AP waydiisay faahfaahinta qalabka militari ee ay saameyn doonto go’aankan, dowladda Jarmalka way ka gaabsatay inay faallo ka bixiso.