Jan 23(Jowhar)-Ciidamada maamulka Jubaland oo kaashanaya Ciidamada Danab, ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Howlgalka ayaa lagu dilay 250 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka 13 maxbuus lagu qabtay, kuwaas oo intooda badan ay qabaan dhaawacyo sida ay shaacisay madaxtooyada jubaland Ciidamada ayaa sidoo kale la wareegay dhulka howdka ah ee Kudhaa, oo ay kooxdaasi horey ugu dhuumaaleysan jirtay.
Saraakiisha Ciidamada ayaa xaqiijiyay in howlgalka uu si guul leh ku dhammaaday, isla markaana uu qeyb ka yahay dadaallada lagu ciribtirayo kooxda Al-Shabaab.
Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa si weyn u bogaadiyay geesinimada iyo feejignaanta ciidamada, isaga oo ku ammaanay doorkooda difaaca dalka iyo badbaadinta shacabka.










