Nov 02(Jowhar)-Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland ayaa maanta u fariisatay ku dhawaaqista kiis uu eedeysane ka ahaa Cabdiqaadir Maxamuud Xasan, oo ka tirsanaa hay’adda Nabadsugidda Jubbaland, kaas oo lagu eedeeyay dilka Aadan Maxamed Madey.
Fadhiga maxkamadda waxaa goob joog ka ahaa ehellada labada dhinac ee marxuumka iyo eedeysanaha. Iyadoo kiiskan ay maxkamadda y fariisatay labo mar oo hore fadhiguu u dambeeyay ee maanta maxkamadda ayaa soo saartay xukunka kiiska, waxaana xukunka ku dhawaaqay Gaashaanle Dhexe Cabdiaziz Maxamed Dhagajuun.
Ehellada labada dhinac oo hadlay xumunka kasib ayaa sheegay inay ku qanceen xukunka ay soo saartay maxkamadda ciidamada Jubbaland.










