Sunday, March 15, 2026
Home NEWS Koox hubeysan oo Nabadoon caan ahaa ku dishay degmada Wadajir

Koox hubeysan oo Nabadoon caan ahaa ku dishay degmada Wadajir

142

Mar 15(Jowhar)-Waxaa goor dhow Degmada Wadajir lagu Dilay AUN Nabadoon Cali Wosh oo kamid ahaa nabadoonada caanka ka ah degmooyinka Wadajir iyo Dharkenley.

Xogo ay heshay Warbaahinta ayaa sheegaya in rag hubaysan ay toogteen xili uu ka soo baxayay masjid ku yaala agagaarka Garaashka Muuse Suudi ee degmada Wadajir.

Cali Wosh ayaa dhaawac ahaan looga soo qaaday goobtii lagu toogtay waxaana la xaqiijiyay in ugu dambeen uu ku geeriyooday Isbitaalka.