Mar 04(Jowhar)-Kulanka labada gole ee Baarlamaanka ayaa hadda si toos ah u furmay, waxaana kooramka kulanka soo xaadiray 186 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka iyo 36 Senator oo ka tirsan Aqalka Sare.
Ajandaha kulanka waxaa ka mid ah ansixinta Cutubyada 4aad iyo 13aad ee Dastuurka. Inta badan Xildhibaanada fadhiya kulanka ayaa la filayaa in ay gacanta u taagaan meel marinta wax ka beddelka Dastuurka, maadaama ay hore u muujiyeen taageeradooda ku aaddan isbeddelka.










