Sunday, February 22, 2026
Home NEWS Labada Gole oo soo gabagabeeyay ka doodista cutubka 9aad ee Dastuurka

Labada Gole oo soo gabagabeeyay ka doodista cutubka 9aad ee Dastuurka

24

Feb 22(Jowhar)-Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 21-aad ee wadajirka ah, waxaana shir guddoominayey Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo ay wehliyaan Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacadde.

Ajendaha maanta ee kulanka wadajirka ah waxa uu ahaa sii amba qaadida dooda ku saabsan cutubka 9-aad ee dastuurka Kmg ah, waxaana xildhibaanada labada Aqal ay dood xasaasi ah ka yeesheen qodobada cutubka sagaalaad ee dastuuka.

Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in maanta lasoo gaba gabeeyey ka doodista cutubka sagaalaad ee dastuurka, isagoo u mahadceliyey Xildhibaanada labada ee Baarlamaanka Dalka.