Wednesday, March 18, 2026
Home NEWS Lafta-gareen Afar Shuruud ku xiray dib usoo celinta wada-shaqeyntii kala dhexeysay Xasan...

Lafta-gareen Afar Shuruud ku xiray dib usoo celinta wada-shaqeyntii kala dhexeysay Xasan Sheekh

0

Mar 18(Jowhar)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa natiijada kulamo si hoose ahaa oo dhexmaray ergo ka socotay madaxweyne Xasan iyo madaxweyne Lafta-gareen, kaasoo hab tilifoon ah ku dhacay.

Sida xogaha hordhaca ah ee la helayo ay sheegayaan, Lafta-gareen ayaa Afar Shuruud oo adag ku xiray si uu dib ugugu soo laabto safka maamulada taabacsan dowladda dhexe.

Shuruudahan ayaa kala ah; In xilka laga qaado Waaiirada Dekedaha iyo Xanaanada Xoolaha Cabdiqaadir Jaamac iyo Xasan Eelaay, in laga laabto wax ka bedelkii Dastuurka lagu sameeyay, In la qabto doorashooyinkii maamul goboleedyada iyo Dib usoo celintii Shirkii Madasha Qaran ee arrimaha dalka go’aano looga gaari jiray.

Villa Soomaaliya ayaa haatan laga war-sugayaa iney u hoggaansanto shuruudaha Lafta-garen uu ku xiray si wada-shaqeyntii dowladda dhexe uu usoo celiyo.