Jun 03(Jowhar)-Maamulka Gobolka Banaadir ahna Dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa ku dhawaaqay inay ogolaadeen in mucaaradka ay dibadbaxyo nabdoon ku qabsadaan caasimadda Muqdisho maalinta Khamiista ah ee berrito, iyadoo la raacayo goobaha loo qoondeeyay iyo dammaanad-qaadka badbaadada ileynta xasilloonida dadweynaha.
War-saxaafadeed uu akhriyay Afhayeenka Rasmiga ah ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Muqdisho, Mudane Saalax Xasan Cumar, ayaa lagu caddeeyay in maamulku uu garoomada ciyaaraha ee caasimadda u qoondeeyay goobaha rasmiga ah ee ay ku ururi karaan dibadbaxayaasha, kuwaas oo kala ah:
Garoonka Eng. Yariisoow ee ku yaalla Degmada Cabdicasiis.
Tuulada Ciyaarah ee Muqdisho.
Garoonka Jaamacadaha ee ku yaalla Degmada Hodan.
Afhayeenka ayaa ku nuuxnuuxsaday in gebi ahaanba la mamnuucay qaadashada hubka nooc kasta oo uu yahay iyo falalka kicin kara rabshadaha ama khalkhal-gelin kara amniga caasimadda, isagoo hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo dabeecadda nabad-gelyo ee dibadbaxyada.
Ugu dambeyn, war-saxaafadeedka ayaa lagu tilmaamay in go’aankani uu qeyb ka yahay dammaanad-qaadka xorriyadda hadalka iyo ra’yiga siyaasadeed ee uu kafaalo-qaaday Dastuurka iyo sharciyada dalka, iyadoo la xaqiijiyay in ciidamada ammaanka ay si buuxda u sugi doonaan nabadgelyada goobahan si dadku ay ugu adeegsadaan xuquuqdooda si mas’uuliyad leh oo nidaamsan.










