Thursday, June 18, 2026
Home NEWS Maamulka Puntland oo diiday ciidamada Dowlada Federalka inay ka howlgalaan Puntland

Maamulka Puntland oo diiday ciidamada Dowlada Federalka inay ka howlgalaan Puntland

80

Jun 18 (Jowhar)-Golaha Wasiirrada Dowladda Puntland ayaa maanta yeeshay shir uu guddoomiyay Madaxweynaha Puntland, Said Abdullahi Deni, isla markaana uu ka qeyb galay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ilyas Osman Lugatoor. Shirka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga iyo arrimaha siyaasadeed ee Puntland.

Kulanka ayaa war saxaafadeed laga soo saaray waxaa lagu sheegay in Puntland aysan qayb ka ahayn Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ilaa laga gaarayo heshiis dhammaan qodobadda ay isku hayaan Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid tahay hannaanka loo marayo dhismaha Ciidan Qaran oo heer Federaal ah.

Goluhu wuxuu sidoo kale faray hay’adaha amniga iyo maamulka Puntland inay ka hortagaan cid kasta oo isku dayda inay ciidamo ama gaadiid ciidan ku soo geliso deegaannada Puntland iyada oo aan oggolaansho laga haysan maamulka Puntland. War-saxaafadeedka ayaa xusay in tallaabadaasi ay la xiriirto ilaalinta amniga iyo xasilloonida deegaannada Puntland.

Go’aankan cusub ayaa imanaya xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo sii xoogeysanaya oo u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha maamulka amniga, dhismaha ciidamada iyo habraacyada siyaasadeed ee dalka.

Halkan hoose ka aqriso war saxaafadeedka ka soo baxay Golaha Wasiirada Puntland.