Maareeyihii Dekeda Muqdisho oo xilka laga qaaday, mid cusubna lasoo magacaabay

0
119

Aug 18 (Jowhar)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa wareegto Madaxweyne ku magacaabay Amb. Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) inuu noqdo Maareeyaha cisub ee Dekedda Muqdisho.

Xilkaasi muddooyinkii la soo dhaafay waxaa hayay Axmed Maxamed Maxamuud (Washington), kaas oo xilka laga qaaday.

Amb. Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) waa diblomaasi khibrad dheer u leh howlaha dowliga ah, isagoo horey u soo noqday safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya, halkaas oo uu door muuqda ku lahaa xiriirka labada dal.

Magacaabistan ayaa loo arkaa mid qayb ka ah dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dardargelinayso howlaha dekedaha dalka, kuwaas oo muhiim u ah ganacsiga, dhaqaalaha iyo xiriirka caalamiga ah.