Wednesday, February 25, 2026
Home NEWS Madaxda dowlada oo laga mamnuucay Gaadiidka aan Taargada lahayn

Madaxda dowlada oo laga mamnuucay Gaadiidka aan Taargada lahayn

59

Feb 25(Jowhar)-Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in laga bilaabo 5ta bisha March ee sanadkan la mamnuucay gaadiidka aan sumada ama taargada lahayn oo ay wataan madaxda dalka Soomaaliya.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in talaabadan ay tahay mid lagu dardargelinayo dadaallada joogtada ah ee hay’adaha amniga ay ku bixinayaan ilaalinta amniga, bad-qabka ummadda, iyo ka hortagga falalka foosha xun ee Khawaarijta,

“Wasaaraddu waxa ay ku wargelinaysaa dhammaan masuuliyiinta dowladda, mudaneyaasha sharafta leh ee Baarlamaanka, iyo xubnaha Golaha Wasiirrada, in laga bilaabo 5-ta bisha Maarso aan la oggolaan doonin masuul wata gaari aan lahayn taargo rasmi ah.”ayaa lagu yiri war saxaafadeed ay maanta soo saartay Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Halkan hoose ka aqriso war saxaafadeedka;