Aug 31 (Jowhar)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi heer saare ah uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Belgrade ee caasimada dalka Serbia, halkaasi oo ay si diiran ugu soo dhoweeyeen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Serbia.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Serbia, waxa uu kulan muhiim ah la qaadan doonaa dhiggiisa dalkaasi, Mudane Aleksandar Vučić, iyaga oo ka wada hadli doona xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada siyaasadda iyo danaha labo geesoodka ah ee labada waddan.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa qayb ka ah madax ka socota dowlaha caalamka, kuwaasi oo lagu casuumay ka qayb galka Shirka heerka sare ah ee lagu xusayo 65-guurada Shirkii Koowaad ee dhaqdhaqaaqa dalalka aan isbahaysiga ahayn (Non-Aligned Movement), kaasi oo lagu qabtay magaalada Belgrade sannadkii 1961-kii.





