Jun 18 (Jowhar)-Madaxweynaha Maamulka Somaliland C/raxmaan Maxamed C/llaahi “Cirro” ayaa sheegay in uusan meesha ka saari karin suurtagalnimada in mustaqbalka ay Israa’iil saldhig milatari ka sameysato dhulka Somaliland, isagoo dhanka kale shaaciyay in duulimaadyada tooska ah ee u dhaxeeya Israa’iil iyo caasimadda Hargeysa ay si degdeg ah u billaaban doonaan.
Cirro ayaa sheegay in Dekedda Berbera ee Somaliland ku taal meel istiraatiji ah, isla markaana marin u ah Itoobiya iyo waddamada Afrika ee aan badda lahayn, ay soo jiidanayso danaha Maraykanka, Imaaraadka Carabta, Israa’iil iyo kuwa kale oo ah xudunta ganacsiga iyo saadka ee gobolka.
C/llaahi oo la weydiiyay inay Somaliland door ka qaadan karto la-dagaalanka Xuutiyiinta ee Badda Cas, waxa uu sheegay in dalkiisu aanu cidna cadow ku ahayn, balse uu xaq u leeyahay inuu is difaaco, isla markaana uu taageero caalami ah u raadinayo sidii kor loogu qaadi lahaa tayada ciidamada ilaalada xeebaha.
Wareysi uu siiyay Madaxweynaha Maamulka la magac baxay Somaliland C/laahi Cirro oo u waramayay i24NEWS’s xilli uu booqasho ku joogo Israel ayaa difaacay furitaanka safaarada Somaliland ee Qudus,isagoo sheegay inay tahay mid dabiici ah
“Sida caadiga ah, safaaradaha waxaa laga furaa caasimadaha dalal gaar ah oo is aqoonsan,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in Israa’iil ay tahay dalka keliya ee ka jawaabay warqad uu u diray 193 dowladood bishii May 2025-kii oo uu kaga dalbanayay aqoonsi.
“Waxaa Isbitaalada ku yaal toddobaadkan lagu daweyn doonaa siddeed carruur ah oo reer Somaliland ah oo qaba xanuunnada wadnaha ku dhaca.”ayuu yiri Madaxweyne Cirro.
Maamulka la magac baxay Somaliland ayaa dhawaan ka furtay safaarad magaalada Qudus iyadoo ay cambaareyn badan ay u soo jeediyeen wadamo iyo ururo caalam ah.










