Nov 14(Jowhar)-Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) ayaa magacaabay 15 wasiir ku-xigeen oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirada xukuumaddiisa.
Xubnahan ayaa ku biiraya 21 wasiir oo hore uu u magacaabay madaxweyne Firdhiye, Waxaa ka dhiman weli golihiisa wasiirada ee uu hore u magacaabay illaa lix wasiir ku xigeen. Liiska wasiir ku xigeenada ayaa waxaa ku jira saddex Wasiir ku xigeen oo Dumar ah kuwaasoo dhamaantood la wada yiraahdo Nimco.
1. Cabdiqaadir Ibraahim Ciise – wasiir ku-geenka arrmaha diinta iyo dastuurka
2. Cali Axmed Cali – wasiir ku xugeenka arrimaha gudaha.
3- Axmed Daahir Mire – wasiir ku-xigeenka maaliyadda
4- Nimco Faarax Caydiid – wasiir ku-xigeenka caafimaadka
5- Axmed Aadan Siciid (Ayuub) – wasiir ku-xigeenka qorsheynta
6- Cali Daahir Cilmi – wasiir ku-xigeenka amniga
7- Siciid Xaaji Nuur – wasiir ku-xigeenka tamarta iyo biyaha
8- Cabdale Aadan Cabdi – wasiir ku-xigeenka waxbarashada
9- Nimco Cali Yuusuf – wasiir ku-xigeenka arrimaha qoyska
10- Cabaas Maxamuud Cali – wasiir ku-xigeenka deegaanka & duurjoogta.
11- Maxamed Baashe Maxamuud – wasiir ku-xigeenka hawlaha guud
12- Nimco Axmed Cismaan – wasiir ku-xigeenka ganacsiga
13- Maxamud Cabdullahi Axmed – wasiir ku-xigeenka gargaarka
14- Maxamed Cali Cismaan – wasiir ku-xigeenka shaqada, arrimaha bulshada & ciyaaraha
15- Maxamed Cabdi Caafi – wasiir ku-xigeenka beeraha & waraabka.












