Wednesday, April 15, 2026
Home NEWS Madaxweyne Trump oo si lama filaan ah uga hadlay xalka Washington iyo...

Madaxweyne Trump oo si lama filaan ah uga hadlay xalka Washington iyo Tehran

95

Apr 15(Jowhar) Madaxweyne Trump ayaa FOX NEWS u xaqiijiyay in dagaalka u dhaxeeya Washington iyo Tehran uu qarka u saaran yahay in la soo afjaro. Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan uun ay fashilmeen wada-hadalladii nabadda, isla markaana markab Shiinuhu leeyahay uu jabiyey go’doomintii Maraykanka ee Biyaha Iran.

Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa isweydiinaya waxa keenay is-beddelkan degdegga ah ee hadalka Trump. Ma tanaasul qarsoon oo ay Iiraan samaysay baa? Mise waa xeelad siyaasadeed oo Aqalka Cad uu ku qaboojinayo xiisadda inta uusan qaadin tallaabo kale?

Hadalkan ayaa durba saamayn ku yeeshay suuqyada caalamka iyo qiimaha shidaalka, waxaana isha lagu hayaa sida ay uga falcelin doonaan isbahaysiga Iiraan sida Ruushka, Shiinaha iyo sidoo kale xulafada Maraykanka ee Bariga Dhexe.