Tuesday, February 17, 2026
Home NEWS Madaxweyne Xasan iyo Golaha Mustaqbalka oo maanta kulan ku leh magaalada Muqdisho

Madaxweyne Xasan iyo Golaha Mustaqbalka oo maanta kulan ku leh magaalada Muqdisho

39

Feb 17(Jowhar)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa ku warramaya inuu jiro kulan weyn oo u dhexeeya madaxweyne Xasan iyo Golaha Mustaqbalka, kaasoo aad isha loogi wada hayo.

Kulanka oo Qado ah waxaa dhigay madaxweyne Xasan, wuxuuna ka dhacayaa gudaha Hotelka Decale ee ku yaala xeyndaabka Xalane.

Kulanka guud kadib, madaxweyne Xasan ayaa mid gaar ah la yeelanaya madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubaland, ujeedka kulankan ayaa ah inuu labada madaxweyne kala hadlo sidii gogosha wadahadal loo dhigi lahaa madaxtooyada Soomaaliya.

Lama oga waxa kasoo bixi kara kulamadan, iyadoo wali wax Tanaasul ah aysan jirin, taasoo niyad jab ku ah dadka Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka.