Madaxweyne Xasan iyo mucaaradka oo shir uga furmay madaxtooyada

1737

Aug 10 (Jowhar)Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Siyaasiyiinta Mucaaridka ayaa goordhaweyd galay shirkii afraad, ka dib saddex shir oo hore oo natiijo la’aan ku soo idlaaday.

Shirkii u danbeeyay, madaxweyne Xasan wuxuu dalbaday 20 cisho oo uu latashiyo lasoo sameeyo madaxda maamul goboleedyada ee isaga taageersan iyo xildhibaanada.

Labada dhinac ayaa isku-mari la’; wax-ka-beddelka dastuurka iyo doorashooyinka qof iyo cod ee gadhwadeenka ka tahay Villa Somalia; iyada oo mucaaridku doonayaan in laga laabto wax-ka-beddelka dastuurka qodobada doorashada, ayna doorashada dalku noqoto; mid heshiis lagu yahay, sida ay sheegeen.

DFS ayaa diwaangelinta doorashada tooska ah ka bilowday Koonfurgalbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle; iyada oo  qorshaynaysa in ay ka bilowdo maamulka Woqooyi-bari iyo Gobolka Gedo.

Puntland iyo Jubbaland ayaa iyagu qaadacay wax-ka-beddelka dastuurka iyo doorashooyinka tooska ah, waxayna ka dhur sugayaan in madasha mucaaridku ay isu soo dhoweyso dhinacyada.