Okt 31(Jowhar)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan qado sharaf ku maamusay Madaxdii hore ee Dalka, kaddib ka qayb galkii Munaasabadda Xuska 25-guurada Shirweynihii Nabadaynta Soomaaliya ee Carta.
Ayaa la wadaagay warbixin ku saabsan qorshaha Qaran ee dowlad dhiska, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, dhamaystirka Dastuurka, dardar galinta nidaamka axsaabta hadan, amniga iyo ciribtirka argagixisada.
Dhankooda, Madaxdii hore ee Qaranka ayaa bogaadiyey guulaha la gaaray, iyaga oo Madaxweynaha la wadaagay talooyin wax ku ool, waxayna hoosta ka xariiqeen ahmiyadda ay leedahay hirgelinta doorasho dadweyne iyo adkeynta tiirarka dowladnimada dalkeenna.



 
                             
                             
                             
                             
                             
                             
                            