Madaxweyne Xasan oo ka caawa ka dagay magaalada Doxa

0
1

Sep 14(Jowhar)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa gaaray magaalada Doxa ee caasimadda dalka Qadar.

Madaxweynaha ayaa halkaas kaga qaybgalaya Shirwaynaha Dalalka Islaamka iyo Carabta oo ay isugu imanayaan hoggaamiyeyaasha dalalka Islaamka.

Inta uu shirka socdo, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sidoo kale kulamo-doceedyo la yeelan doonaa qaar ka mid ah madaxda dalalka ka qaybgalaya, si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan.

Madaxtooyada ayaa sheegtay in ka qaybgalka Madaxweynaha uu muujinayo sida Soomaaliya uga go’an tahay in ay door muuqda ku yeelato arrimaha Islaamka iyo kuwa Carabta, gaar ahaan xoojinta midnimada, wadajirka iyo iskaashiga dhaqaale, amni iyo siyaasadeed ee dalalka xubnaha ka ah.