Friday, February 13, 2026
Home NEWS Madaxweyne Xasan oo ka qeybgalay shir madaxeedkii 2aad ee Talyaaniga Iyo Afrika

Madaxweyne Xasan oo ka qeybgalay shir madaxeedkii 2aad ee Talyaaniga Iyo Afrika

1

Feb 13(Jowhar)-Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay Shir Madaxeedka labaad ee Talyaaniga iyo Afrika oo ay martigelisay Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya.
Shir madaxeedkan ayaa looga hadlayay xoojinta dadaallada iskaashiga iyo kobcinta xiriirka dhaqaale iyo istaraatiijiyadeed ee u dhexeeya Talyaaniga iyo dalalka Afrika, iyadoo wadahadalladu diiradda saarayaan ganacsiga, maalgashiga, tamarta, kaabayaasha dhaqaalaha, beeraha, iyo hal-abuurka.