Saturday, March 28, 2026
Home NEWS Madaxweyne Xasan oo kulan deg deg ah isugu yeeray wakiilada beesha Caalamka

Madaxweyne Xasan oo kulan deg deg ah isugu yeeray wakiilada beesha Caalamka

82

Mar 28(Jowhar)-Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheikh ayaa kulan iskugu yeeray wakiilada iyo diblumaasiinta Shisheeye ee kusugan Muqdisho, isagoo warbixin ka siinaya xaaladda, sida lagu sheegay warqad loo diray waliilada.

Sida ku cad warqad ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya u dirtay ergada beesha caalamka ayaa lagu martiqaadday dibloomaasiyiinta iyo ururrada caalamiga ah ee dalka ku sugan kulan warbixineed ka dhici doona madaxtooyada.

Kulankan oo qorshaysan Isniinta, 30-ka Maarso, ayaa saacaddu marka ay tahay 11:00 barqannimo ka furmi doona Villa Somalia. Shirkan ayaa qayb ka ah dadaallada ay dowladda Federaalku kula socodsiinayso saaxiibada caalamka xaaladaha ugu dambeeyey ee dalka, gaar ahaan Koonfur Galbeed.