Madaxweyne Xasan oo magacaabay Ergeygiisa gaarka ee Ka-Hortagga & La-Dagaallanka Fikradda Xagjirka

1

Nov 24(Jowhar)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay Xildhibaan Aweys Mohamed Omar oo noqday:

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ee Ka-Hortagga & La-Dagaallanka Fikradda Xagjirka ah ee Rabshadaha Wata (P/CVE).

Madaxweynaha ayaa Ergeyga cusub kula dardaarmay inuu si hufan, daacadnimo iyo mas’uuliyad qaran leh ugu adeego dalka, isagoo ka shaqeyn doona:

• Xoojinta amniga iyo adkeynta dowladnimada

• Ka-hortagga xagjirka iyo dagaalka ka dhanka ah fikradaha rabshadaha wata

• Horumarinta iskaashiga bulshada & hay’adaha amniga

• Dhisidda iyo hirgelinta siyaasadaha qaranka ee P/CVE

Xildhibaan Aweys Mohamed Omar wuxuu leeyahay qibrad iyo waaya-aragnimo ballaaran oo uu ka soo shaqeeyay hay’adaha amniga, siyaasadda dadweynaha, iyo dadaallada ka-hortagga xagjirka, taas oo u suurtagelinaysa inuu guto waajibaadka uu Madaxweynaha u igmaday.