July 13-(Jowhar)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Madaxweynihii hore ee dalka Senegal, Macky Sall oo haatan u sharraxan xilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, kaas oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.
Kulanka labada mas’uul ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Senegal, doorka dalalka Afrika ee arrimaha caalamiga ah, iyo muhiimadda ay leedahay in Afrika ay hesho matalaad xooggan oo ka dhex muuqata hay’adaha caalamiga ah.
Macky Sall ayaa shaaca ka qaaday Macky Salla in markasta uu ilaalinayo midnimada Soomaaliya, isaga oo Madaxweyne Xasan Sheekh ka codsaday inuu ku garab siiyo doonistiisa ku aaddan xilka Xoghayaha Guud ee QM.
Sidoo kale, wuxuu Dowladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyay hormarka ay ka gaartay dib u dhiska hay’adaha dowladda, la dagaallanka argagixisada iyo dib u soo kabashada dalka oo maanta maraya meel wanaagsan.
Madaxweynihii hore ee waddanka Senegal ayaa sidoo kale xusay in haddii loo doorto xilkaas uu ka shaqeyn doono xoojinta codka Afrika iyo horumarinta nabadda, amniga iyo iskaashiga caalamiga ah.
Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay booqashada Macky Sall, wuxuuna adkeeyay muhiimadda iskaashiga dalalka Afrika iyo wadajirka qaaradda si loo wajaho caqabadaha horyaalla, loona gaaro horumar waara.
Mr Salla wuxuu xilka Madaxweynaha Senegal hayay 2012 ilaa 2024.










