Jan 05(Jowhar)Madaxweynihii xilka laga tuuray ee Venezuela Nicolas Maduro ayaa iska fogeeyay dambiga lagu soo oogay ee ah ka ganacsi muqaadaraad iyo haysasho hub kadib markii uu ka soo muuqday maxkamad ku taal magaalada New York ee dalka Maraykanka.
Maduro, oo 63 jir ah, ayaa maxkamada federaalka ee New York ka hor sheegay inuusan wax dambi ah gelin dhammaan eedeymaha lagu soo oogay ee kala ahaa shirqoolka Daroogo, argagixisanimo iyo haysashada qoryaha daran-dooriga u dhaca iyo aaladaha wax burburiya.
Maduro ayaa maxkamada New York u sheegay inuu weli yahay hogaamiyaha Venezuela, sida ay sheegtay CBS News.
“Ma lihi wax dambi ah. Ma ihi dambiile. Waxaan ahay nin hufan, madaxweyne ka ah dalkayga,” ayuu ku yiri isagoo laga tarjumayay.
Xaaska Maduro Cilia Flores ayaa iyaduna sheegtay in aanay wax dambi ah gelin. Waxayna garsoorayaasha maxkamada dib u dhigeen dhagaysiga dacwada illaa 17-ka Maarso.
Dhinaca kale waxaa Kulankii ugu horeeyay ee uu yeesho Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sanadkaan ayaa waxaa looga hadlayaa arrinta la xiririta qabashadii Maraykanka ee madaxwaynaha Venezuela.
Soomaaliya ayaa ah sanadkaan madaxwaynaha Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, xilkaas oo ay hayn doonto muddo bil ah.
Safiirka Qaramada Midoobay ku matala Soomaaliya, Abuukar Daahir Cismaan ayaa ku dhawaaqay in ajandahu uu yahay mid la aqbalay.










