Maleeshiyaadka RSF oo boqolaal rayid ah ku dishay Isbitaalka El-Fasher

0
24

Nov 30(Jowhar)-Maleeshiyaadka Rapid Support Forces (RSF) ayaa lagu soo warramay inay boqolaal rayid ah ku dileen isbitaalka weyn ee El-Fasher, maalmo un kadib markii ay qabsadeen magaaladaas, sida uu sheegay madaxa hay’adda caafimaadka adduunka ee Qaramada Midoobay.

Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in hay’adda caafimaadka ee QM ay “ka argagaxday oo aad uga naxday” wararka sheegaya in 460 qof lagu dilay isbitaalka.

Ka hor intaanuu hadlin Tedros, Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan ayaa sheegtay in ciidamada RSF ay “si naxariis darro ah u dileen qof kasta oo ay gudaha isbitaalka Sucuudiga ka heleen — bukaan, eheladooda, iyo cid kasta oo goobta joogtay.”

Ma aysan bixin tiro dhimasho rasmi ah, balse waxay ku sheegeen in xarumaha caafimaadka ee magaalada ay “u beddeleen meel lagu gowraco dadka.”