Wednesday, June 3, 2026
Home NEWS Maraykanka oo weeraray Iran iyo Iran oo weerartay Kuwait iyo Baxreyn

Maraykanka oo weeraray Iran iyo Iran oo weerartay Kuwait iyo Baxreyn

55

Jun 03(Jowhar)-Milateriga Maraykanka ayaa sheegay inay weerar is-difaac ah ku qaadeen Iran kadib markii ciidamada Iran ay soo rideen gantaalaha ballistic-ga ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo lagu garaacay maraakiib iyo dalalka Khaliijka.

Weerarada ka dhacay Jaziirada Qeshm, ee marin biyoodka Hormuz, waxay jawaab u ahaayeen isku daygii weeraro ee ay Iran ka fulisay bariga dhexe, sida uu sheegay taliska dhexe ee Mareykanka (Centcom).

Iran ayaa sheegtay in ay weerartay saldhigyada Mareykanka ee dalalka Kuwait iyo  Baxreyn iyadoo adeegsatay gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Centcom waxay sheegtay in Tehran ay laba gantaal ku dhufatay Kuwait, saddexna waxay ku garaacday Baxrayn, kuwaas oo la sheegay in dhammaantood laga hortagay oo la qabtay.

Weeraradii u dambeeyay ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay hakad ku jireen wada xaajoodyadii xabad joojinta, kadib markii wadahadalo ku saabsan heshiis lagu soo afjarayo dagaalkoodii bilaha ahaa ay ku guuldareysteen  dhamaadkii todobaadka.

Centcom waxa ay intaa ku dartay in weerarka ka dhacay Jaziirada Qeshm lagu bartilmaameedsaday saldhig dhulka oo laga hago gantaalada oo ay leeyihiin ciidamada Iran, waxa kale oo ay milatariga Maraykanku soo rideen saddex diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo ay Iran ku garaacday dooman  rayid ah oo marayey biyaha gobolka.

IRGC waxa ay sheegtay in qalqal galinta amniga marin biyoodka Hormuz ay qiimo culus u keeni doonto ciidamada Maraykanka ee gardarada wada.

Iran ayaa marar badan weeraro ku qaaday bartilmaameedyo ku yaala Bahrain iyo Kuwait, halkaas oo ay ku yaalaan saldhigyada ciidamada Maraykanka.

Goor sii horreysay, Centcom waxay sheegtay inay garaacday oo ay curyaamisay markab shidaal oo aan rarnayn oo u shiraacday Iran, taasoo qayb ka ahayd xannibaadda ciidammada badda ee Washington ee marin-biyoodka Hormuz, taasoo billowday 13-kii Abriil.

Diyaarad Mareykan ah ayaa gantaalka Hellfire ku riday qolka laga wado ee markabka M/T ee uu ka babanaaya calanka Botswana, ka dib markii shaqaalaheedii ay iska indhatireen digniino soo noqnoqday sida ay sheegeen Centcom.Centcom ayaa sidoo kale soo bandhigtay muuqaal la sheegay in uu muujinayo xilliga la garaacay markabka.

Iska horimaadkan u dambeeyay ayaa imaanaya iyadoo xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio uu si fagaare ah uga soo muuqday Congress-ka markii ugu horreysay tan iyo markii uu dagaalka billowday.

Diblomaasiga ugu sarreeya ayaa ka marag kacay in wada xaajoodyada Maraykanku aysan u soo bandhigin Iran in laga khafiifiyo cunaqabataynta si ay dib ugu furto marinka Hormuz.