Mareykanka oo go’aamiyay duullaan deg deg ah oo lagu qaado wadanka Iran

144

Jan 11(Jowhar)-Madaxweyne Trump ayaa loo gudbiyey Noocyada weeraro lagu qaado dalka Iran, kuwaas oo lagu doonayo in lagu taageero dadweynaha doonaya in ay meesha ka saaraan xukunka ay toobiyaha u hayaan wadaada 40-ka sano ka badan haya Talada Iran.

NEW YORK TIMES ayaa heshay xog ku wajahan in la go’aamiyey in weerar la qaado, saanada Milateriga Mareykankana la geeyey saldhigyada weerarka laga qaadayo, hayeeshee nooca loo fulinayo ayaa wali horyaala Trump oo leh go’aanka kama dambeysta ah.

“Mareykankuna waa diyaar inuu caawiyo” ayuu yiri Trump.

Xoghayaha dagaalka ayaa u sheegay wariyayaasha in ay ka go`an tahay isbedel laga sameeyo Iran, kaas oo loo raacayo rabitaanka dadweynaha oo banaanbaxyo dhigaya, markii u adkeysan waayeen xaalka taagan.

“Iran waxay u muuqataa inay wajahday xorriyad, laga yaabee sidii hore aan loo arag,” ayuu Trump ku qoray baraha bulshada Sabtidii.