Jan 25(Jowhar)-Warbaahinta Israel ayaa tabisay in Somaliland ay aqbashay in lagu wareejiyo xubno ka tirsanaa malleeshiyo Falastiini ah oo la shaqeynaysay Ciidanka Israel, kuwaas oo haatan wajahaya khatar dhinaca amaanka ah.
Wararka ayaa sheegaya in xubnahan ay ka mid ahaayeen koox hubeysan oo Israel ay dhistay xilligii dagaalka Qasa, si ay u huriso khilaaf gudaha ah oo u dhexeeya Falastiiniyiinta, taas oo u sahlaysa qabsashada magaalada Qasa.
Ilo warbaahineed ayaa tilmaamaya in Israel ay hadda ka baxeyso qaybo ka mid ah magaalada, iyadoo fulinaysa wajiga labaad ee heshiiska xabbad-joojinta, taasoo keentay cabsi laga qabo in xubnaha malleeshiyadan lagu bartilmaameedsado.
Dhinaca kale, Ururka Xamaas (HMS) ayaa sheegay inuu dilay hoggaamiyeyaal ka tirsanaa malleeshiyadan, tallaabadaas oo la sheegay inay horseedday fashilka qorshe uu watay Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu.
Illaa iyo hadda, ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Somaliland oo xaqiijinaya ama beeninaya sheegashadan, sidoo kalena ma jirto caddeyn madax-bannaan oo si buuxda u xaqiijinaysa wararka ay baahiyeen warbaahinta Israel.
Wararka ku saabsan arrintan ayaa weli ah kuwo is-khilaafsan, waxaana la sugayaa faahfaahin dheeraad ah iyo jawaabo rasmi ah oo ka yimaada dhinacyada ay khusayso.










