Maxamed Mursal oo isaga baxay xisbiga Horumar iyo Midnimo Qaran

0
109

Nov 21(Jowhar)-Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii iyo xubinimadii uu ka hayay Xisbiga Horumar iyo Midnimo Qaran.

Maxamed Mursal oo qoraal kooban soo saaray, ayaa sheegay in go’aankiisu uu yahay mid uu ku doonayo madax-bannaani buuxda oo ku aaddan aragtidiisa siyaasadeed.

Wuxuu yiri: “Si aan ugu madax-bannaanaado aragtideyda siyaasadeed ee gaarka ah waxaan iska casiley xilkii iyo xubinimada Xisbiga Horumar iyo Midnimo Qaran.”

Go’aanka Mursal ayaa imanaya xilli ay socdaan isbeddello siyaasadeed iyo ololeyaal cusub oo ka jira gudaha dalka, iyadoo siyaasiyiin badan ay dib u qaabeyn ku sameynayaan mowqifyadooda iyo xiriirkooda xisbiyeed.