U gudub nuxurka
Sabti, 14 Nofembar 2026 4 Jumaadal Aakhira 1448
Waqtiyada salaadda: Muqdisho
  • Subax
  • Duhur
  • Casar
  • Maqrib
  • Cishe
1 USD = 572 SOS
Hadalhaynta U.S Trump Talks Warns Cop31 Election

Maxeey Iran oo weerartay xarun milatari oo Mareykanku leeyahay

Maxeey Iran oo weerartay xarun milatari oo Mareykanku leeyahay Wararka
Maxeey Iran oo weerartay xarun milatari oo Mareykanku leeyahay

Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa bayaan ay saaka soo saareen ku sheegay, in ay “beegsadeen oo burburiyeen” raadaar digniinaha hore bixiya oo ay ciidamada Mareykanku ku leeyihiin dalka Baxreyn. Weerarkan ayay ku sheegeen inuu jawaab u yahay duqeyn cirka ah oo Mareykanku ka fuliyay deegaanka Sirik ee Iran.

Bayaanka ay soo saareen, IRGC waxay ku yiraahdeen “Tani waa digniin adag oo loo dirayo cadowga, si uu u joojiyo falalka uu cirka ka fulinayo ee kicinta ah, iyo isku dayada uu shidaalka si sharci-darro ah ugu marinayo marin-biyoodka Hormuz.”

“ haddii xadgudubyada xuduudaha iyo gardarradaasi ay soo noqdaan, ciidamada cirka ee IRGC Iran waxay diyaar u yihiin iska horimaad aan xad lahayn,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Saacad ka hor inta aan bayaanka la soo saarin, warbaahinta Iran ayaa baahisay warar ku saabsan duqeyn cirka ah oo ka dhacday deegaanka Sirik.

Markii dambe, ciidamada IRGC ayaa xaqiijiyay weerarka, iyagoo sheegay in munaarad isgaarsiineed oo ku taalla deegaankaas, oo u dhow xeebta Gacanka Faaris, ay ka mid ahayd goobihii la beegsaday.

 

Warar Dheeraad ah