U gudub nuxurka
Talaado, 17 Nofembar 2026 7 Jumaadal Aakhira 1448
Waqtiyada salaadda: Muqdisho
  • Subax
  • Duhur
  • Casar
  • Maqrib
  • Cishe
1 USD = 572 SOS
Hadalhaynta U.S Trump Talks Strike Cop31 Alleged

Maxeey ka wadada hadleen Madaxweyne Xasan iyo madax dhaqameed ka socda waqooyiga dalka

Maxeey ka wadada hadleen Madaxweyne Xasan iyo madax dhaqameed ka socda waqooyiga dalka Wararka
Maxeey ka wadada hadleen Madaxweyne Xasan iyo madax dhaqameed ka socda waqooyiga dalka

Nov 04 (Jowhar)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay madax-dhaqameed ka yimid gobollada Waqooyi ee (Somaliland), kuwaas oo maalmahan ku sugnaa caasimadda Muqdisho.

Madax-dhaqameedka uu Madaxweynuhu qaabilay ayaa kala ah Boqor Ibraahim Boqor Cali Xuseen, Suldaan Maxamuud Axmed iyo Suldaan Cumar Cismaan Goodir. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka, wadajirka bulshada Soomaaliyeed iyo doorka hoggaanka dhaqanka ee adkaynta is-fahamka iyo isku-duubnida ummadda.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay madax-dhaqameedku ku leeyihiin ilaalinta midnimada, nabadda iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay in wada-hadalka, is-qaddarinta iyo xiriirka soo jireenka ah ee dadka Soomaaliyeed ay yihiin tiirar muhiim u ah xoojinta walalinimada, kalsoonida iyo midnimada ka dhaxeysa dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay madax-dhaqameedka inay sii xoojiyaan doorkooda ku aaddan nabadaynta, isu-soo-dhoweynta iyo adkaynta wadajirka bulshada Soomaaliyeed.

More News