Saturday, May 2, 2026
Home NEWS Mucaaradka Hawiye oo Iclaamiyay iska caabin ka dhan ah madaxweyne Xasan

Mucaaradka Hawiye oo Iclaamiyay iska caabin ka dhan ah madaxweyne Xasan

92
Screenshot

May 02(Jowhar) Mucaaradka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in laga bilaabo 15-ka May ay bilaabi doonaan qorshe ay ku sheegeen “badbaadinta dalka” iyo iska caabin ka dhan ah dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Bayaan degdeg ah oo ay soo saareen oo warbaahinta uu u khriyay Cabdirahman Caynte ayaa lagu yiri:

“Wixii ka dambeeya 15-ka May, waxaan hormuud u noqon doonnaa iska caabin dowladeed annagoo kaashaneyna shacabka Soomaaliyeed.”

“15-ka May wixii ka danbeeyo madaxweynaha waxaan u aqoonsan donnaa muwaadin la mid ah dadka Soomaaliyeed”

Mucaaradka ayaa dowladda ku eedeeyay fashil ku aaddan amniga, siyaasadda iyo adeegyada bulshada, iyagoo ku baaqay isbeddel degdeg ah.