Jun 12 (Jowhar)-Wararka ka imanaya gobolka Shabelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ay qabteen walxo kiimiko ah oo dagaalamayaasha Alshabaab ay doonayeen inay ka sameeyaan waxyaalaha qarxa.
Agabkan ay heleen hay’adda NISA ayaa la sheegay inay ku jiren jiirigaano gaaraya boqol kuwaasoo lagu qareiyay meel ku dhow xeebta deegaanka Jilib Marka ee gobolka Shabeellada hoose.
Taliyaha Ciidanka nabad sugidda Qaranka ee degmada Marka Maxamed Sheekh Xasan ayaa aad ugu mahadceliayay ciidanka deegaanka, isagoo xusay in ay macawisleyda gobolka arkeen xilli ay roondo ku marayeen inta u dhaxaysa Marka iyo Gendershe godad ay ku aasan yihiin Jirigaamo ka badan boqol, iyagoo la wadaagay taliska nabad sugidda ee Shabeelleda hoose, wuxuuna taliyuhu sheegay in ay sii labalaabi doonaan howl gallada ka dhanka ah argagixisada.
Taliyaha Ciidanka deegaanka, Maxamed Cusmaan Indhoi-giir, ayaa sidoo kale sheegay in Jirigaamada ay qabteen ay ku jiraan budo kala nooc ah, taas oo ah kiimikada laga samayso walxaha qarxa.










