Feb 10(Jowhar)-Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).
Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), waxaana ku weheliyey Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, iyagoo ay garab taagnaayeen Guddoomiye ku-xigeennada labada Gole Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) iyo Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Xildhibaanada labad aqal ee Baarlamaanka Dalka ayaa kulankooda maanta kusii amba qaaday dooda la xiriirta qodobada cutubka shanaad ee dastuurka Kmg ah, waxaana Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray uu sheegay in dooda cutubka shanaad ee dastuurka ay sii socon doonto, islamarkaana lasii amba qaadi doono kulanka kan xiga.










