Pakistan iyo Afghanistan oo xabad joojin ku gaaray dalka Qatat

0
86

Nov 19(Jowhar)-Afgaanistaan iyo Pakistan ayaa ku heshiiyey xabbad-joojin degdeg ah intii lagu jiray wadahadalladii Doha ka dib toddobaad ay socdeen dagaallo ba’an oo xuduuda labada dal ka dhacayey kuwaas oo ahaa rabshadihii ugu xumaa ee labada waddan dhexmara tan iyo markii Taliban ay la wareegeen awoodda Kabul 2021.

Wasaaradda arrimaha dibadda Qatar ayaa sheegtay in dhinacyadu ay ku heshiiyeen xabbad joojin degdeg ah ka dib wadahadal nabadeed oo ay Qatar iyo Turkiga ku dhexdhexaadiyeen magaalada Doha.

Xabbad-joojinta u dhaxaysa labada dal ee deriska ah ee koonfurta Aaasiya ‘‘ “waa la dhammeeyey” sida uu bartiisa X, ku sheegay wasiirka difaaca Pakistan Khawaja Muhammad Asif, isagoo sheegay in labada dhinacba ay mar kale ku kulmi doonaan 25 Oktoobar magaalada Istanbul si ay uga wada hadlaan “arrimaha faahfaahsan”.

Pakistan iyo Afghanistan ayaa raadinaya xal horay loogu socdo kadib markii iska horimaadyadii u dhexeeyay ay ku dhinteen dad badan isla markaana ay dhaawaceen boqollaal kale. Wadahadallada waxaa hoggaaminayey Wasiirka Gaashaandhigga Pakistan, Khawaja Muhammad Asif, iyo dhiggiisa Afghanistan, Mullah Muhammad Yaqoob, sida ay sheegeen labada dhinac.

Pakistan waxay ku eedaysay Afgaanistaan inay gabaad siiso mintidiinta, taas oo Kabul ay beenisay. Afgaanistaan ayaa sheegtay in ugu yaraan saddex ka mid ah ciyaartoydeeda Cricket-ka ay ka mid yihiin kuwa lagu dilay duqaymaha Pakistan, waxayna ka baxday taxanaha ciyaaraha Cricket-ka ee saddexda waddan ee Pakistan iyo Sri Lanka ee bisha soo socota