Puntland oo gacanta ku dhigtay doon qaraxyo siday iyo Ajaanib wadatay

35
Screenshot

Dec 13(Jowhar)-Ciidamada Badda iyo Beriga Puntland ee PMPF, gaar ahaan cutubyada Badda ee degmada Eyl, ayaa gacanta ku dhigay doon siday budooyin iyo walxo kala duwan oo laga farsameeyo qaraxyada halista ah.

War rasmi ah oo ka soo baxay Ciidamada PMPF ayaa lagu sheegay in walxaha la qabtay ay isugu jireen noocyo kala duwan oo loo adeegsado samaynta jaadadka qaraxyada waxyeellada ba’an geysta, kuwaas oo khatar weyn ku ahaa amniga guud iyo kan gobolka.

Howlgalkan ayaa sidoo kale lagu qabtay 7 ruux oo saarnaa doonta, kuwaas oo laba kamid ah ay u dhasheen dalka Yemen, halka Shanta kale ay yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed. Dhammaan dadkii la qabtay iyo doontii ay saarnaayeen ayaa hadda ku jira gacanta ciidamada ammaanka ee Puntland.

Ciidamada PMPF ayaa sheegay in baaritaan ballaaran lagu wado kiiskan, si loo ogaado halka ay walxahan ka yimaadeen, halka loo waday, iyo cidda ka dambeysa isku dayga tahriibinta walxaha qarxa.